Ahmed Mustafe Abdirahman / TBD
Aasaaska Qofka iyo Qoyska waa buug ka hadlaya qoyska, tarbiyadda carruurta, carruurnimada iyo saamaynta deegaanka gurigu ku leeyahay qofka iyo noloshiisa.Buuggan wuxuu ka dhashay u kuurgal sannado badan oo ku saabsan xaaladaha qoyska Soomaaliyeed, iyo la kulanka carruur, waalidiin iyo qoysas kala duwan. Sheekooyinkoodu way kala duwanaayeen, laakiin waxaa soo noqnoqday dhaawacyo iyo dareenno carruurtu mararka qaarkood aanay awoodin inay ereyo ku sheegaan.Buuggu wuxuu eegayaa guriga sida meesha ugu horreysa ee qofnimadu ka bilaabato. Wuxuu ka hadlayaa amniga ilmaha, sida maskaxda ilmuhu u dhismayso, dhaawaca carruurnimada, is-eedaynta ilmaha, khilaafka qoyska, dayacaadda dareenka, xiriirka waalidka iyo ilmaha, iyo raadadka ay waayo-aragnimada carruurnimadu ku yeelan karto nolosha dambe.Waxa uu sidoo kale isku xidhayaa mabaadi’da Islaamka, cilmi-nafsiga, cilmibaadhista iyo waayo-aragnimada bulshada Soomaaliyeed.Ujeeddada buuggani ma aha inuu bixiyo jawaab kasta, balse waa inuu iftiimiyo su’aalo muhiim ah oo ku saabsan carruurta, waalidnimada iyo qoyska.Mararka qaarkood dadka waaweyni waxay xusuustaan dhacdooyinka, halka carruurtu xusuustaan dareenka. Fahamka dareenkaas ayaa ah mid ka mid ah furayaasha lagu fahmi karo qofka iyo qoyskiisa.